Maxkamadda Racfaanka ee Hargeysa ayaa saaka 2 sanno oo xabsi ah iyo 3 Milyan oo lacagta Somaliland ah ku xukuntay Samafale Cabdimalik Muuse Coldoon, oo in muddo ah xirnaa, waxaana tiro dhowr jeer oo hore loogu waayay wax dambi ah.
Samafale Cabdimaalik ayaa dhibbane u ahaa Xukuumadda Somaliland sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo Xabsi muddo dheer ah uu ku qootay sababo aan caddeyn.
Ehellada Samafalaha iyo qaar kamid ah dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u dhaleeceeciyey go’aanka ka soo baxay maxkamadda ee lagu xukumay Cabdimaalik.
Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.